Shirkad Uganda ku taalla oo dumarka umula siinaysa lix bilood fasax ah

Shirkad gaar loo leeyahay oo ku taalla Uganda ayaa meelmarisay sharci dumarka umula u ogolaanaya lix bilood oo fasax ah oo mushaarkeeda ay qaadanayaan iyo hal bil oo ragga la siinayo.

Shirkadda Uganda Breweries Limited ayaa noqonaysa middii u horraysay ee dalkaa ku taalla ee qaadda tallaabo noocan oo kale ah.

“Waa tallaabo wanaagsan,” ayay tiri Manuela Pacutho oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka, waxayna sidaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC.

Dumarka Uganda ayaa marka ay dhalaan xaq u leh in la siiyo labo bilood oo fasax ah oo mushaarka ay qaadanayaan.

Manuela ayaa sheegtay in tallaabada ay qaadday shirkadda UBL ay tahay mid wanaagsan oo ay tahay in shirkadaha kalana ay kaga daydaan.

Social embed from twitter

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker