Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan Iyo Ex-Wasiir Cali Marexaan Oo Heshiiyey

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Ex- Wasiir Cali marexaan oo ahaa rag siyaasadda ku kala fogaaday, siiba labadda xisbi ee kulmiye Iyo waddani, Ayaa xalay kulan ay ka soo shaqeeyeen Ganacsato iyo xubno xisbiga kulmiye ka tirsan oo ka dhacay Magaalada Hargeysa ,Ayaa ugu danbeyn waxa ay ka heshiyeen colaadii siyaasadeed ee ka dhexeysay, sida aanu ka helnay ilo xogogaala Ex-wasiir Cali Marexaan oo muddo isagu hungureynaayey xil wasiir inuu ka qabto xukuumadda Muuse Biixi, ayaa candhuuftiisi dib u liqay .taasi oo ugu danbeyntii uu Quus Iska Soo Taagay.

 

ka-dibna waxaa ay keentay heshiis uu la gaadhay hogaamiyaha Xisbiga Waddani Md Xirsi Cali X.Xasan. labadan Wasiir ee hore oo Shalay col ku ahaa Mabda’a Siyaasadda, iyagoon indhaha isa siin karin oo col daahii go’ay noqday. Ayaa Maanta waxay noqonayaan siyaasiyiin rafiiq oo dhinaca Mucaaradka ah siiba xisbiga waddani oo laga arki doono, taasi oo ah arrin waayaha siyaasadu leedahay iyo in ay sida dabaysha isu bedesho.Ex- wasiir cali Marexaan oo ah siyaasi socod barad ah, Ayaa inuu heshiiskani Hogaamiye Xirsi la galo waxuu u arkay, inay dani ugu jirto, isla markaana ay ku Saaxiibi karaan Hogaamiye Xirsi cali xaaji xasan iyo inuu halkaa Siyaasadda kaga soo xidhmi karo, halka Madaxweyne Muuse iyo xisbiga kulmiye oo ay hore saaxiibo u ahaayeena ay kala irdhoobeen, isla markaana waayaha siyaasadu kala kexeeyay,

waxaase jira waxyaalo aanay bulshadu aad u fahmin oo ay aad ula yaabaan, nin xilkii uu doonayey waayey sababtaasi oo ah dabeecad Siyaasaddu iska leedahay mana aha wax amakaag iyo yaab geliya Bulshada S/land. Sikasta ha ahatee heshiiskani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa , Iyadoo 10 maalin oo kaliya ka dib, uu ka furmaayo Magaalada Burco shirkii Gashaanbuur Axmed Faarax , kaasi oo ifafaalaha ka soo baxaaya, ay sheegayaan in labadda siyaasi , iyagoo isku mabda mucaaradnimo ka mideysan ay ka qayb-galayaan shirkaasi beelaha gashaanbuurta Axmed Faarax. .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker