Cadaalad daridu waxay Somaliland u horseedaysaa burbur iyo dagaal sokeeya …
Qaarada africa waxaa ku badan cadaalad daro waxaana cadaalad daridaa sameeya dadka markaa maamulka sare ee dawlada haya ,waana sababta uu dagaal sokeeye uga dhaco ,wadamo fara badan oo Africa ka mid ah oo ay ku dhintaan kumanaan qof oo bulshadii wadda noolayd ka mid ah.
Haddii aan qaar kaaga sheego waddamada cadaalad daridu u horseeday burbur iyo dagaal sokeeye waxaa ka mid ah Zaire oo hadda loo yaqaano(Democratic Republic of the Congo)oo uu xakumaayey (Mobutu Sese seko) markii cadaalad daridii mobutu aad u badatay wuxuu waddanku galay dagaal sokeeye( civil war (1996-hadda).
waxaa kale oo ka mid ahaa wadamada cadaalad daridu dumisay waddanka Rwanada oo sagaashadkii ka dhacay dagaal sokeeye waxaa dagaalkaa ku dhinatay ilaa hal milyan oo Rwandan ah ,laakiin dagaalkii sokeeya kadib wuxuu ilaahay u soo saaray maddaxweyne (Paul Kagame )oo la dagaalamay cadaalad daridii iyo kala qaybintii ummadda Rwanda iyo musuqmaasuqii maantana ma moodaysid wadankan n baa ku yaala qaarada Africa sida loo dhisay nadiifta , shirkadihii adduunka oo dhan baa maal gashaday ,waxaa kale ka mid ah waddanmada cadaalad daridu dumisay waddankii somaliya oo markii siyaad bare uu sameeyey cadaalad dari iyo kala weynaan bulshada iyo kala qoqob wuxuu dagaal sokeeya ka dhacay (1991-hadda) waana sobobta ay Somaliland ugu dhawaaqday in ay ka soo go,aday somaliya
Waxaan waddamadaa tusaale ugu soo qaatay cadaalad daridu muddo ayey socotaa wayna dumisaa ummad iyo dalba ,hadaba Somaliland oo dadku wadda samaysteen haddii maamul uu ka leexiyo waddadii ummaddu jeexatay waxay ku dabaysaa waa burbur iyo baa,ba dad iyo dalba labaduba,waxayna ku danbaynaysaa sida waddamada aan tusaalaha u soo qaatay eek u yaala qaarada Africa ,
Haddii aan qodobkayga ku soo laabto Somaliland waxay ku heshiiyeen in ay ku dhawaaqaan in ay kala soo laabtaan xornimadoodii i ay ku darsadeen somalida koonfurta markay arkeen cadaalad daridii ilaal 1960 -1991 ku dhacday dadka Somaliland ,waxayna somaysteen xeerar ay isku maamulaan (Constitution) waa maxay xeerarkaasi waxaa weeyi xeerar dadka oo dhan ka dhexeeya qof kasta oo muwaadin Somaliland ahna uu u siman yahay .waxay go,aan ku gaadheen in dhistaan dalkooda .
Hadaba Somaliland tan iyo intay soo jirtay way iska soo tukubaysay ,marxalado iyo maddaxweynayaal kala duwan bay soo martay,shacabka reer Somaliland oo ah shacab aad iyo aad u qiimo badan ah waxay is garab taageen Somaliland sidii loo dhisi lahaa nabadgelyada loo ilaalin lahaa ,shacabkaas oo dawladnimada aad u jecel ayey halkaa maanta ku soo gaadhay Somaliland.ilaashadana nabadgelyadooda la shaqeeyaan dawlada hadba markaa jirta.
Haddaba maxaa dhacay sanadahan danbe ,waxaa soo badatay cabashooyin ay tabanayaan qaybo ka mid ah bulshada Somaliland kuwaas oo ka cabanaaya cadaalad dari dhinac kasta ,laga soo bilaabo 2010 waqtigii maddaxweyne axmed siilaayo uu xukunka la wareegay ilaa hadda oo muuse biixi maddaxweyne yahay cabashadu way soo badanaysaa ,cabashooyinka aan yara kala qaado.
Markii uu xukunka la wareegay siilaayo wuxuu soo dhisay xukuumada isla markiiba waxaa ka biyo diiday saami qaybsiga dadka ku nool goloda galbeedka gaar ahaa awdal iyo salal,si gobonimo ku dheehan tahay ayey cabashadoodii u soo gudbiyeen maddaxweyne siilaayo dhegee jalaq looma siin,ilaa intuu ka degaayey maddaxtinimada cabashadu way u imanaysay siilaayo hase ahaatee wuu isku dhego maray taasi oo macnaheedu ahayd waxaad doontaan sameeye ,markaa dadka goboladaa aan soo sheegay ku nool waxaa la gudboonaatay in ay dagaalamaan iyo in ay iska samraan oo nabad gelayadooda ilaashadaan ,wax isku raaceen in ay nabadgelyadooda ilaashadaan ,cadaaladuna mar uun bay iman,waxaa ka biyo diiday suldaan ka mid ah suldaanada gobolka awdal suldaan wabar oo go,aansaday in uu dagaalamo ,hase yeeshee kumuu gulaysan ilaa haddana buuraha ayuu ku jiraan,kadib,cabashadii oo meel kasta ka yeedhaysa gobol kasta oo Somaliland ayuu siilaayo ka degey xukunkii .
Kadib maxaa dhacay waqtigii ololaha lugu jiray ayaa bulsho walba iyo gobol walba wuxuu u gudbiyey in ay ka cabanayaan cadaalad dari dhacday waqtigii uu siilaayo maddaxweynaha ahaa,bulshaduna aad ugu riyaaqaysay in uu maddaxweyne siilaayo dhaafo ,waayo?waxaa la isku raacay in maddaweyne siilaayo xanuunsaday oo isgu aanu talini ee ay taliyaan dad agtiisa ka dhaw oo siilayo isku reer yihiin.
Maddaxweyne muuse biixi ayaa maddaxweyne ka noqday Somaliland si kastba ha ku yimaadee in kasta oo dadku yidhaahdaan waa la boobay waxaana la sameeyey isbaahaysi la yiraahdo jeeegaanta taasi oo ah qori isku dhiib maamulka Somaliland ,maantaan ka degay adigu qaado berina aniga igu soo celi,
Hadaba suaashu waxa weeyi maxay muuse biixi ka filayeen beelaha cabanaayey ilaa iyo waqtigii siilaayo? Waxay filayeen in muuse biixi uu daawo u heli doono cabashoonkaas sida saami qaybsiga dawlada ,shaqooyinka oo loo sinaado,khayraadka oo la wadaago ,kadib sheekadii waxay noqotay ka daryee dibi dhal,cabashooyinki way sii badanayaan.waana sababta beel weynta gadhxajis u cilaamiyeen shir weyne ,qodobo fiicana way ka soo saareeen haddii muuse biixi ka somalialnd dank a leeyahay
Gebo gabadii dadka soomalidu waa dad dhego adag waayo ?dad baa ka cabanaaya cadaalad daro ,halkii dadkaa laga qancin lahaa cadaalad daradaa ay tirsanayaa ayaa waxaa loogu sii darayaa cadaalad daro kale taasi waa waxaad doonta qaad maxaad samayn kartaba samee.
Waxaan ku gabogabaynayaa ama aan u sheegayaa muuse biixi in cabashooyinka bulshooyinka ka mid ah bulshada Somaliland in uu daawo u helo ee uuna iska dhego tirin sidii siilaayo ,haddii kale aakhirka cadaalad daridaasi waxay keeni doontaa burbur iyo baa,ba sidaan kor ku soo sheegay
Aad baad u mahadsasan tihiin dhamaan
Ali Abdi Farah (abraar)
Toronto Canada