Gantaallada Turkiga laga sameeyo oo laga helay goob lagu duqeeyay qoys ku noolaa gobolka Bari

Baadhitaan lagu sameeyay haraadiga gantaallo laga helay duqeymo ka dhacay gobolka Bari, ayaa muujiyay in hubka la adeegsaday uu ka tirsanaa nooca MAM ee ay samayso shirkadda Roketsan ee dowladda Turkiga leedahay.

Natiijadan ayaa soo baxday kaddib markii khubaro madaxbannaan oo ku takhasusay hubka ay falanqeeyeen sawirrada haraadiga laba gantaal oo laga helay deegaanka Baxaya ee buuraha Golis ee gobolka Bari, halkaas oo 21-kii May lagu dilay haweeney uur lahayd iyo saddex carruurteeda ah, aabbihii qoyskana uu ku dhaawacmay.

Khabiir NR Jenzen-Jones ayaa sheegay in raadadka hubkaasi ay u badan tahay inay muujinayaan weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar TB2 ah.

Soomaaliya, Turkiga iyo Imaaraadka ayaa dhammaantood adeegsada diyaaradaha Bayraktar, taas oo ka dhigaysa mid aan weli suurtagal ahayn in haraadiga gantaalka keliya lagu aqoonsado cidda gacanta ku haysay diyaaradda ama cidda amartay weerarka.

Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama shirkadda Roketsan ay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee soo saara hubka Turkiga, halka Baykar ay samayso diyaaradaha Bayraktar ee qaada hubka noocaas ah.

Turkiga ayaa muddooyinkii dambe ballaariyay dhoofinta qalabka milatari, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay heleen dalal badan oo Afrikaan iyo Carab ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka adeegsada diyaaradaha Bayraktar TB2.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradaha ay u dhoofiso Soomaaliya iyo Suudaan lagu xiro dammaanad ah in loo adeegsado si waafaqsan sharciga caalamiga ah, isla markaana aysan jirin xog la xaqiijiyay oo muujinaysa in hubka Turkiga lagu sameeyo si sharci-darro ah loogu adeegsaday Soomaaliya.

Si kastaba, baaritaanka The Guardian ma uusan xaqiijin cidda fulisay weerarkii Baxaya, inkasta oo khubaradu aqoonsadeen nooca hubka laga helay goobta.

Amnesty International ayaa baaritaankeedii 2024 ku xaqiijisay in laba duqeyn oo ka dhacay beer ku taalla Jaffey, gobolka Shabeellaha Hoose, lagu adeegsaday gantaallada MAM-L ee laga soo rido diyaaradaha TB2, kuwaas oo ay ku dhinteen 23 qof oo rayid ah. Hay’addu waxay ku baaqday in weerarradaas la baaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker