Afhayeenka Madaxwaynaha JSL, Xuseen Dayr ayaa war cusub kasoo saarey heshiiska dib u dhiska casriga ah loogu sameynayo Madaarka Hargeysa.

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Somaliland ay u furan tahay dunida, isla markaana diyaar u tahay Ganacsi, Maalgashi iyo iskaashi caalami oo qoto dheer.

Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu kaga hadlay ahmiyadda uu dalka u leeyahay heeshiiska casriyaynta madaarka Hargeysa ee Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Nuux, la saxeexday Shirkadda Maalgashiga ee International Maharat Investment Company, kaasi oo ku kacaya dhaqaale gaadhaya 70 Milyan oo doolar.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu caddeeyay heshiiskaasi uu yahay maalgelintii ugu weynayd ee abid laga sameeyo dhinaca horumarinta adeegyada duulista hawada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

Xuseen Deyr wuxuu xusay in Heshiiskan muhiimka ah oo lagu dhammeystiray Xarunta Maaliyaddeed ee Caalamiga ah ee Dubai ay ka turjumayso sida ay Somaliland uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta cilaaqaadka ay la leedahay dunida inteeda kale.

Sidoo kale, Afhayeen Deyr wuxu intaas ku daray in guul laga gaadhay
siyaasadda cusub ee fiisaha Somaliland lagu helayo (visa-on-arrival), arrintaasi oo JSL ka dhigtay mid si sahlan ay u gaadhi karaan maalgashadayaasha, dalxiisayaasha iyo qurbejoogtu.

Mr. Deyr wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya inay cashuuro sharci darro ah dul-dhigto dadka socotada ah, wuxuuna tibaaxay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qaadatay nidaam furfuran oo fududeynaya gelitaanka dalka, iyadoo la xushmaynayo dadka socdaalka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker