Ruushka oo weerar aargoosi ah ku qaaday dalka Ukrayn
Masuuliyiinta dawladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu xalay weerar ballaadhan ku qaaday dalkaas, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo lagu garaacay magaalada caasimadda ah ee Kyiv.
Duqeymaha ayaa la sheegayaa in ay lagu dilay afar qof, sida uu sheegay duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko, oo hore u sheegay in 20 qof ay ku dhaawacmeen caasimadda.
Duqa magaalada Magaalada Lutsk ee waqooyi-galbeed dalkaasi ayaa sheegay in Ruushku uu u adeegsaday weerarkooda 15 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo lix gantaal, halkaas oo ay ku dhaawacmeen shan qof.
Horaantii todobaadkan, Donald Trump oo wadahadal Khadka taleefanka ah la yeeshay Putin ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushku uu wacad ku maray in uu ka jawaabi doono weerarkii dhawaan ay Ukraine ku qaadday saldhigyada cirka ee Ruushka, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.