Wax ka ogow hal arrin oo laga baqayo in Traore uu sameeyo
Ibrahim Traore wuxuu talada la wareegay bishii September 2022, markaas oo uu ridey Paul-Henri Damiba oo uu ku eedeeyey “in uu ku fashilmay arrimihii mudnaanta u lahaa dalka, islamarkaana uu dayacay dagaalka ka dhanka ah argagixisada”. Wixii xilligaas ka dambeeyeyna, wuxuu ku soo baxay hoggaamiye laga jecel yahay dalkaas iyo dacallada Afrika.
Muddo kooban gudahood, Traore wuxuu meelmariyey siyaasado dhaqaale oo ku saleysan isku-fillaansho, wuxuu dardargeliyey dagaalka argagixisada oo uu la kaashada dadweynaha, wuxuuna dadka ku tallaalay dareen wadaninimo. xigashooyinka baahay ee laga hayana waxaa ugu caansan:
“Xor ma ahaan karno inta aan guntan nahay dhar aan ka dhaxalnay gumeysiga, islamarkaana aan ku hadlayno afafkooda, sidoodi oo kalena aan hannaanka siyaasadda u qalloocineyno.”
Hadal uu jeediyey bishii Nofember 2023 wuxuu ku yiri: “Afrika ma xoroobi karto inta Afrikaanku ka cabsanayaan in ay reer galbeedka runta wajiga ka saaraan.”
Marka la eego ammaanta badan ee la huwiyey Traore iyo hanweynida loo qabo, khuburada siyaasadda Afrika odorosta waxay ka digayaan in guushiisa ay noqoto mid ay hiyi kicisa Afrika inteeda kale, islamarkaana horseedda afgambiyo aan loo meel dayin oo qaaradda madaxdooda saluugsan mar kale hareeya.