Putin oo wacad ku maray in uu ka aarsgoon doono Ukrayn kaddib weerar lagu qaaday saldhigyada Ruushka
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ay la gudboon tahay in uu ka jawaabo weerarkii weynaa ee ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadday saldhigyada ciidammada cirka ee Ruushka.
Warkan waxa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu uu soo dhammaaday wada hadal dhanka khadka taleefanka oo ay yeesheen labada madaxweyne.
Saraakiisha Ruushka ayaa diiday in ay xaqiijiyaan arrintan habeennimadii Arbacada, laakiin Moscow ayaa mar sii horreysay sheegtay in xulashooyinka millateri ay “ miiska u saaran yihiin.”
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in wadahadalka taleefanka oo qaatay in ka badan hal saac aanu “u horseedi doonin nabad degdeg ah” oo dhex marta Ruushka iyo Ukraine.