Puntland oo goobihii laga saaray Daacish ka heshay Rasaastii ugu badnayd oo kayd ah
65,000 oo xabbo oo rasaas ah ayaa laga helay Togga Miiraale kadib markii laga saaray ururka Daacish, sida uu sheegay Kornayl Maxamuud Shire, oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Puntland.
Kornaylka ayaa sheegay in rasaastan laga helay godad ay Daacish ku qarsanayeen hubka, kuwaas oo ku yaalla Togga Miiraale, halkaas oo laga saaray bilowgii toddobaadkan. Wuxuu tilmaamay in hubkaasi uu ka mid ahaa kaydadkii ugu dambeeyay ee Daacish ku lahaayeen Calmiskaad.
Rasaasta la helay ayaa isugu jirta rasaasta qoryaha fudud sida AK-47, Dabeexa, iyo rasaasta qoryaha darandooriga u dhaca. Kornayl Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah qoryahii loogu talo galay rasaastaan in lagu burburiyey duqeyn uu Maraykanku ka fuliyey Togga Miiraale.
“Kaydkan rasaasta ah wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay ee Daacish ay haysatay, waxaana Togga Miiraale uu ahaa goobtii ugu weynayd ee ay ku qarsanayeen hubkooda,” ayuu yiri Kornayl Maxamuud Shire.
Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay diyaarado Drones ah oo loo diyaariyay in ciidamada lagu weeraro, iyagoo lagu xiray qaraxyo, hase ahaatee, howlgalkii dhawaan la qaaday ayaa ciidamada ka caawiyay inay ka hortagaan qaraxyadan.
Si kastaba ahaatee, Puntland ayaa guul weyn ka gaartay dagaalka Daacish. Muddo 6 bilood kahor Daacish ayaa maamulaysay inta badan degaanada ku teedsan degaanada Calmiskaad.