Labada Congo tee ka mid ah liiska dalalka Maraykanka laga mamnuucay?
Dadka ku sugan Kinshasa, caasimada Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa markii ay maqleen “Congo” ay ku jirto liiska dalalka uu saameeyay mamnuucitaanka socdaalka ee Maraykanka ayaa kuwa badan u qaateen durba inay iyaga saameysay.
Waxaa ay gadaal dadku ka xaqiiqsadeen in mamnuucitaanka ay saameysay dalka Congo-Brazzaville ee jaarka la ah ee uu u dhaxeeyo Wabiga Congo.
DR Congo ayaa dal ahaan weyn, waxaana uu saddex jibaar balac la egyahay Galbeedka Yurub, Waxaana uu inta badan ku jiraa warbaahinta oo ka hadasha dagaalada kooxa hubaysan ay ka wadaan Bariga dalkaasi. Halka Congo-Brazzaville ay tahay mid ka yar, kana deggen.
Inta badan Trump ayaa hadalo adag oo ka dhan ah soo galootiga Congo u jeediya eedeymo, iyada oo uusan caddeyn Congo-da uu ula jeedo.
Sababta Congo-Brazzaville ay ugu jirto liiska ayaa sida uu qabo Aqalka Cad ku dhowaad 30% muwaadiniinta ka soo jeeda dalkaasi uu dal ku galkooda Maraykanka ay ku joogaan dhaafaa wakhti dheer muddadii la siiyay.