Ciidamada Booliska Somaliland oo Baahiyaay Seesas Ku Yaala Xeebta Batalaale
Ciidamada Booliska JSL ayaa saaka hawlgallo ballaadhan ka fuliyay xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera, iyagoo burburiyay seesas sharci-darro ah oo dhowaan laga dhisay meel u dhow badda garahaan Batalaale .
Ciidamada Boolisku iyagoo fulinaaya wareegtadii Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, taas oo si cad u mamnuucaysa in wax dhismo ah laga hirgeliyo masaafo dhan 200 mitir u jirta xeebta magaalada Berbera
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxay farayaan shacabka in ay ka fogaadaan dhismayaasha aan sharciyeysneyn, gaar ahaan meelaha danta guud sida Xeebaha .