Puntland oo beenisay inay ku lug leedahay colaadda ka taagan dalka Suudaan
Puntland ayaa beenisay eedeymaha sheegaya in ay door ku leedahay hurinta colaadda ka taagan dalka Suudaan, iyo wararka lala xiriirinayo Dowladda Imaaraatka Carabta in ay raadaarro ku rakibtay magaalada Boosaaso si ay ula socoto gantaallada kooxda Xuutiyiinta, si loo adkeeyo amniga xarumaha ay Imaaraadku ku leeyihiin Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in dacaayadahan ay ka dambeeyaan dalal uu ku eedeeyay inay boobayaan kheyraadka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay saaxiib dhab ah oo taageera horumarka Puntland iyo shacabkeeda.
“Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa maanta wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraatka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo raba in ay fursad uga helaan boobka kheyraadka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.
Lugatoor ayaa intaasi ku daray in Puntland ay si fiican u garanayso cidda wax u taraysa, isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay mideysnaadaan oo ay garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Dhawaan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gudbisay cabasho ka dhan ah maamulka Puntland, cabashadaas oo ah in Puntland ay si dadban uga qeyb qaadanayso dagaalka sokeeye ee ka socda Sudan.
Warqad rasmi ah oo loo diray Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ilo xog-ogaal ah oo maxalli ah iyo kuwa caalami ah ay muujinayaan in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo ah malayshiyaad si weyn loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gudaha Sudan.
Warqadda waxaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday xarun isugu jirta safarro iyo sahay ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada RSF, iyadoo la tuhunsan yahay in taageeradaasi ay kasoo jeeddo dalal shisheeye, oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta.