𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲, 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa Madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Wasiirro, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wefgigiisu markii ay dalka ku soo noqdeen, waxa Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey, Shirguddoonka labada Aqal, Xildhibaanno, xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, Madax-dhaqameed, Ganacsato, haween iyo mudan kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo la hadlay shacabka, ayaa hoosta ka xarriiqay in safarkii Nairobi ee ay martida ugu ahaayeen Madaxweynaha dalka Kenya, laga soo hooyey guul weyn oo Taariikhi ah, taas oo kor u qaadday meeqaamkii Somaliland, isla markaana ay heleen saaxad ay dunida inteeda kale ugu soo bandhigaan horumarka, Dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker