Weerarkii Xuubka Caarada ee Ukraine ku Qaaday Gudaha Ruushka 1-da Juun 2025

Weerarkii ugu baaxadda weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ayaa lagu qaaday gudaha Ruushka 1-dii Juun 2025, waxaana fuliyay Ukraine iyadoo hawlgalka loogu magac daray “Xuubka Caarada” (Spider Web). Weerarkan oo la qorsheynayay muddo hal sanno iyo lix bilood ah, ayaa si lama filaan ah uga dhacay shan gobol oo Ruushka ah, kuwaas oo kala ah: Murmansk, Irkutsk, Ivanovo, Ryazan, iyo Amur , goobaha la beegsaday qaar ka mid ah ayaa 8,000km ka fog Ukraine.

Hawlgalka iyo Xeeldheerida
In ka badan 117 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ayaa loo adeegsaday weerarkan ka dhacay gudaha dalka Ruushka, kuwaas oo loo adeegsaday hannaankii ugu sirta badnaa uguna xirfadda saraysay.
Drones-ka ayaa si qarsoodi ah loo geliyay gudaha daslka Ruushka, iyaga oo lagu qariyay qolal alwaax ah oo saaran baabuur xamuul ah, waxayaabaha cajiibka ah ee dhacay waaxaa ka mid ah in darawalladii waday baabuurtaasi aanay ogeyn waxa ay sidaan.

Warbixino caalami ah oo laga qoray weerarkan cajiibka ah ee Xuubka Caarada, ayaa lagu sheegay in markii ay gaadheen bartilmaameedyadii loogu talo-galay Drones-ka laga sii daayay saqafka baabuurta waxaana laga maamulayay meel fog iyadoo la adeegsanayo xidhiidhka Satalaatka ama Internet ah.
Bartilmaameedyada

Waxaa si gaar ah loo beegsaday saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka, saldhigyadaas oo ay yaaleen diyaaradaha leh qorshayaasha istaraatiijiga ah, diyaaradahaas oo qaadi kara weerarrada Nuclear-ka, sidoo kalena duuli kara masaafad dheer, sida:-
 Tu-95, Tu-160 iyo Tu-22 – diyaarado xambaara gantaallo culus.
 A-50 – diyaaradaha kormeerka iyo basaasidda ee qiimaha badan.

Wararka Ukraine sheegtay ayaa muujinaya in ugu yaraan 13 diyaaradood la burburiyay, oo ay ka mid yihiin afar diyaaradood oo muuqaal laga duubay iyo sawirro dayax-gacmeed.

Cawaaqibka iyo Saameynta
Dawladda Ukraine ayaa sheegtay in howlgalkan ay ku qaadeen gudaha dalka Ruushka uu ku kacay maalgelin dhaqaale oo gaadhaysa $7 bilyan. Waxaa sidoo kale la sheegay in weerarka uu gaadhay meel u dhow xafiisyo ka tirsan hay’adda FSB ee sirdoonka Ruushka.

Ruushka wuxuu xabsiga dhigay dad laga shakiyay, iyada oo la raadinayo shaqsi 37 jir ah oo asalkiisu yahay Ukrainian. Dowladda Ruushka ayaa si kooban oo xadidan uga hadashay weerarka, warbaahintuna gabi ahaanba way ka aamustay.

Weerarkan waxaa lagu tilmaamay kii ugu xeeladda badnaa, ballaadhnaa, uguna la yaabka badnaa ee ay Ukraine ku qaaddo gudaha Ruushka, isaga oo muujinaya heerka sare ee horumarka Ukraine ay ka gaadhay dhanka teknolojiyadda militariga, gaar ahaan dhinaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaa sidoo kale laga dareemay hoos u dhac ku yimid awoodda difaac ee Ruushka ee gudaha dalkiisa.

Dr. Steve Wright, oo ah khabiir British ah oo ku takhasusay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ayaa u sheegay BBC-da in diyaaradihii Ukraine ay ku weerartay gudaha Ruushka 1-da Juun ay ahaayeen nooca Quadcopters-ka oo ah kuwo fudud, balse siday culaysyo aad uga tan weyn marka loo eego cabirkooda.

Dr. Wright ayaa sheegay in waxa weerarkan ka dhigay mid si gaar ah u cajab leh ay ay ahayd awoodda lagu soo dhex geliyay gudaha Ruushka iyo qaabka sirta ah ee ay ku gaadheen gudaha dalkaas, iyada oo laga maamulayay meel fog oo ah masaafo aad ufog. Wuxuu tilmaamay in hawlgalka lagu hagayay xidhiidhka Satalaat-ka ama Internetka, taas oo muujinaysa horumarka ay Ukraine ka samaysay dhinaca teknolojiyadda Drones-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker