Trump oo ka hadlaya dalalka uu mamnuucay :’Uma Baahnin Iyaga’
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay weerarkii Boulder ee Colorado oo ilaa 12 qof lagu dhaawacay markii uu Nin ku weeraray koox isugu soo baxay taageerada la haystayaasha Israa’iil ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay khatarta xagjirka uu ku hayo dalka, gaar ahaana soo galida ajaanibta kuwaasi oo aan si sax ah loo baarin iyo sidoo kale kuwa sida kumeel gaarka ah booqashada ugu yimid iyo inay wakhti dheeraad ah ku sii joogeen dalka.
‘’Uma baahnin iyaga,’’ ayuu yiri Trump, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay Maraykanku in uusan lahaan karin ‘’socdaal u furan dal kasta oo aynaan u awoodin si badbaado ah oo lagu kalsoonaan karo oo aynu baaritaan ugu sameyn karno kuwa doonaya inay soo galaan’’.
Wadamada uu Trump saaray mamnuucitaanka ayuu sheegay inay dib u eegid ku sameynayaan, haddii ay isbadal sameeyaan.