Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Kulankii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Ajendaha lagaga wada hadlay Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada ayaa ka koobnaa saddex qodob:

1. Warbixinta Xaaladaha Amniga ee Dalka,
2. Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Dalka,
3. Warbixinta Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya.

(𝟏) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa Golaha warbixin guud ka siiyeyXaaladda Amniga dalka, isaga oo holaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay isla markaana aanay jirin wax shaqaaqooyin ah ama xiisad ah oo ka taagan dhammaan Gobollada dalka, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka.

(𝟐) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaalaha dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha Berriga, gaar ahaan Cashuurta loo yaqaan GST. Wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalku laga bilaabo 01.07.2025 ay hirgelin doonaan in Cashuurta GTS-ta ee ku waajibtay ay si toos ah ugu dhacdo nidaamka Maaliyadda iyo Khasnadda dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddida Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka (Xubno Golaha Wasiirrada ah iyo Guddoomiyaha Baanka Somaliland) ay dhammaadka bisha 6-aad Golaha Wasiirrada u soo gudbin doonaan daraasaad aqooneed oo khuseeya hababka ugu habboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha.

(𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Safarradkii uu ku tagay Wadanka Kenya. Madaxweynuhu
waxa uu si guud uga xog-warramay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay safarkii Nairobi, isaga oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay dal ahaan innoo leedahay xoojinta iyo tayeynta xidhiidhka iskaashi, ka dhaqaale iyo ka dublamaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay Waddama Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in muddadii ay isaga iyo weftigiisu ku sugnaayeen Kenya ay wax badani u dhaqaaqeen. Kenya waa dal laga hago siyaasadda iyo dhaqaalaha Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha JSL waxa uu sheegay in uu kulan la yeeshay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto oo hoggaamiya Xukuumad wadaag ah. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan la qaatay Siyaasiga Caanka ah ee reer Kenya Mudane Raila Odinga, maadaama uu xisbigiisu qayb ka yahay Xukuumadda wadaaga ah ee haatan ka talisa dalka Kenya. Sida oo kale, Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay kulan la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya Mudane Moses Wetang’ula iyo Xildhibaanno iyaga oo kala hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in safarkii Nairobi ay inooga soo kordheen saaxiibo door ah oo diyaar u ah in ay innagala shaqeeyaan qaddiyadda Somaliland.

Guntii iyo gabagabadii, Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen dedaalka uu Madaxweynuhu ugu jiro xoojinta iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo kor u qaadidda mawqifkeeda istiraatijiyadeed ee gobolka. Booqashada Kenya waxa ay astaan ​​u tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee Somaliland ku raadinayso iskaashiga gobolka, kobaca dhaqaalaha, iyo aqoonsiga diblomaasiyadeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker