Bill Gates oo 99% hantidiisa ugu deeqaya Afrika
Aasaasaha Shirkadda Microsoft Bill, Gates ayaa sheegay in hantidiisa ugu badan uu ku bixin doono horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada Afrika 20-ka sano ee soo socda.
69 jirkan ayaa yidhi “waa in ahmiyad weyn la siiyo arrimaha bani aadantinnimada iyada oo la taageerayo dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, waddan kasta oo Afrika ku yaala waa in uu noqdaa mid barwaaqo ah”.
Isagoo ka hadlayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, wuxuu sidoo kale ku boorriyay hal-abuurka da’da yar ee Afrika in ay ka fikiraan sidii loo dhisi lahaa garaadka macmalka ah (AI) si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee qaaradda.
Bill Gates ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu bixin doono 99% hantidiisa tirada badan- taasi oo uu rajaynayo in uu gaadho $200bn (£150bn) – marka la gaadho 2045.