𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛.

Munaasibadan oo ka dhacday hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku qalinjabiyey 106 Arday oo mudo labo sano ah lagugu tabarayey Macallinimo.

Dufcadan ayaa noqonaysa dufcadii ugu horaysay ee haween kaliya ah ee ka qalinjabiya Machadka Tababarka Macalimiinta Qaranka.

Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi hadalo kale duwan ka jeediyey ayaa hoosta ka xariiqay qiimaha ay leeyihiin in wax la baro Haweenka waxa uuna yidhi:-

” Farxad aad u qiimo badan ayay maanta ii tahay inaan goobjoog u ahaado 106 Haween oo lagu tababaray Macalinimo, gabadh wax baratay waa qoys wax bartay.

Umad hadaad doonayso inaad baabiso imika hub looma adeegsado ee waxa laga weeraraa waxbarashada, iyada markaas umadu baabi’i. ” ayuu yidhi

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi

” Waddanka qiimo gooniya ayay ugu fadhidaa gabdhaha maanta ka qalinjabiyey, ka xukumad ahaan waxa aan dhiirigelinaynaa in haweenka wax la baro isla markaana la horumariyo.

Haweenku iyaga ayaa inoo qaabilsan barbaarinta caruurta oo shaqo culus bay inoo hayaan markaas waa in wax kasta iyaga la hormariyaa ayuu yidhi .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker