Baadi Nimaan lahayn bay agjoogtaa
Baadi Nimaan lahayn bay agjoogtaa
abwaan soomaaliyeed baa wuxuu dhehayย ” Waxba yaanu xeerkay imarin
Xoolana isiin Xaaja ey Nin libinkaa xasdiyey xilihii waa yaab”
18 may waxay ahayd maalin ka mid ah maalmaha ugu adag uguna qadhaadh ee soomaray soomalind ka dib markii ayย isa soo horfadhiisteen Qorbร joog barafka yurub ,ย mukayf yada carabta ku Raaxaysnaysay ,ย saraakiil siyaasadeed oo koonfurta soomaliyaย Qunbaa ,Babayga iyo isbaandhayska ku caabaayey iyo Jabhad duruufaha dushooda ka muuqda, dhaawaca maskaxeed iyo jidheed ,ย Raamahaย iyo Aradka guud kooda ka muuqdo aan la qiyaasikarin .
oo mudo 10 sano wareegaysay baadiyaa xadeedย ka u dhaxeeyaย ITOOBIYA iyo SOMALIA.
ku waasย oo la derisay Nolosha ugu adag ee Binu Aadam aduun ku Noolaado.
waxay ku Nolaayeen ,Nolol uu cirku Hu ‘ย uhaa dhulkuna gogol u ahaa Quudkunaย Xayawaan iyo xasharaad Hadba waxay helaanย maalinkaas ahaa,ย iyagoo sidaas ah bayhadana la kulmayeenย dhimasho, dhaawac,ย dhuumasho iyo weeraro aan kala go lahayn.
sabata ku keliftayย in ayย duruuftaa ku Noolaadaan ooย guryahoodii iyo Noloshii wanagsanayd ee kuย noolayeenย ugatageenย waxay ahayd in Geyigaย Somaliyeed laga kiciyoย Dawladii Rajiimka ahayd ee dhibta badan gaysatay.
kadibย 10 sanoย ย iyo dhib badan dabadeedย markayย gaadheen ujeedkiiย ay lahaayeen ,
waxaa burco lagu qabtay shir ay ku kulmayeen dhaman bulsha weynta ka soo jeeda Soomaliland oo ay hogaaminayso Jabhadii SNM.
shirkaas waxaa isa soo hordhiistay oo qadiyada ka wadda doodaayeyย Rag casiir daacaya iyo Ragย dhaawacii weli qoyan yahay oo dhiigii weli Tifleeyahay ,
iyadoo Hogaanka SNM ay ku doodayeenย in aan dalka la kala goyn Qadiyada ay Naftooda u hureen ooย ay boqolaal udhinteen kumanaan kalena dhaawac iyo duruuf adag ugu Noolyihiin ay ahayd ahayd ,ย kicinta Rajiimka oo keliyah ee aanay ahay burbur umad soomaliyeed .
qolyii kalena ay ku doodayaanย in dalka la kalaย jaro .
SNMย waa Jabhada keliyee Aduunkaย Qorshaheedii laga bedelay markay hadafkeedii gaadheen .
sababtu wax kale maaha ee waxay ahaayeen , Dad markii horena qalbi jileec saaray markii danbina qalbi jileec u taanaa sulay ,
wey awoodi karayeen in aanay shirna qaban cidna dhegaysan oo Tallada sidoo daa ku qabsadaan laakiinย umad jacayl iyo dan ta bulsha ayey saas u sameeyeen ,
maanta waa kuwaas inagu hoos dayacan ee midย gaajaysan,ย Xanuunsanaaya,ย , Duruufaysan
iyo mid dhintay xaal allaale xaal ayku sugan yihiin aan garanay cidna aanay ka war hayn.
maanta waxร y isku ciilkaambiyaan waqtigoodii dhalinyarada ahaa eeย ay bulshadooda u hureen, halkii ay ka sugayen maamuus iyo Taalooyin loo dhisoย waxaa loogu abaal celiyeyย ย in aan hoos loo eegin iyaga iyo dhashooda toona
Tanaasulaad Faro badan SNMย samaysay wuxuu dhaliyey guulo badan ,ย oo dawlada somaliland kow katahay
dhiiranaan badan oo SNM samaysanay wuxuu dhaliyeyย Farxado badan . Kicinta rajiimku kaw ka ahaa.
W/Q mohamedย Ahmed warsame