Guddida dhaqaalaha golaha wasiirrada JSL oo ku kulmay xafiiska wasiirka Maaliyadda Somaliland

Xafiiska wasiirka wasaaradda Maaliyaddda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL waxaa ka qabsoomay kulankii saddexaad ee Guddida Horumarinta Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu wadaagay warbixino iyo tallooyin ku aaden horumarinta dhaqaalaha Dalka sida; abuurista siyaasaddo, xeerar iyo samaynta daraasado.

Waxa ka mid ahaa arimaha sida weyn loo lafo-guray intii uu socday kulanku in falawgeeda la galo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka dalka iyada oo la kobcinayo warshadaha hadda jira lana aasaaso warshado cusub si loo yareeyo ku tiirsanaanta badan ee wax soo dejinta (import).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker