1,500 Qof Soomaali ah oo qaadatay diinta Masiixiga oo si dhuumaaleysi ugu nool gudaha Somaliya

Hay’ad lagu magacaabo International Christian Concern (ICC) oo u doodda dadka Kirishtaanka ah ayaa shaacisay in ay in ka badan 1,500 qof oo Soomaali ah oo qaatay Diinta masiixiga ama Kirishtaanka ay si dhuumaaleysi ah ugu nool yihiin Muqdisho iyo gobollada kale.

Warbixinta Hay’addaan ayaa waxaa lagu xusay in inta badan dadkaan ay isaga baxeen diinta islaamka, waxaana ay Hay’addan ay xustay in ay si hoose uga fuliso Soomaaliya barnaamijyo lagu taageerayo dadkan iyadoo ka caawineysa meelo qarsoodi ah oo ay ku cibaadaystaan.

Sidoo kale waxa ay Hay’addaan gudaha dalka Soomaaliya ka hirgelisay shabakad si qarsoodi ah uga shaqeyso inay caawiso dadka doonaya inay diintooda Islaamka ka baxaan iyadoo u kiraysay guryo 20 qof oo ay sheegtay inay diintooda ka carareen.

ICC waxay kaloo sheegtay inay caawiso haweeney kalkaaliso ah oo waqooyiga Soomaaliya ka wadda shaqo wacyigelin ah oo ku saleysan Injiilka.

Waxa ay haweeyneedaan adeegsata xirfaddeeda caafimaad si ay u gaarto haweenka iyo carruurta, Waxayna sheegtay inay hawshan si qarsoodi ah u wadday muddo laba sano ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ayaan wali ku baraarugsaneen shaqada hay’addan ay sida qarsoodida uga wado Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker