Xog kaaga Qarsoon Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa
Xog kaaga Qarsoon Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa Wada-jir iyo Wax-qabad !!!!
Cabdiqaadir A. Carab.
Madaxweyne Cabdiraxman-Cirro, waxa uu xilka Qaranka Somaliland la wareegay 12-kii December, 2024 oo laga joogo 6 bilood iyo maalmo. Laga soo bilaabo 12 December illaa iyo Taariikhda Maanta. Xukuumaddu waxay waddaa shaqooyin dhammaantood salka ku haya horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Shaqooyinkaasi waxay iskugu jiraan 3 qaybood, mid waa iib-geynta qadiyadda madax-banaanida Somaliland, midna waa horumarinta adeegyada qaybaha bulshadu u baahan, sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo ta saddexaad oo amniga Qaranka ah.
IIB-GEYNTA QADIYADDA MADAX-BANAANIDA
Ta koowaad, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu safarkiisii koowaad iyo kii labaadba ku tagay isku-tagga Imaaraadka Carabta oo Somaliland la leh xidhiidh iskaashi oo dan u ah Somaliland.
Safarka labaad ee Imaaraadka Carabta, Madaxweynuhu wuxuu ka qayb-galay shirweyne kulmiyey 30 dawladood iyo boqollaal shirkadaha Maalgelinta sameeya ah.
Shirkaa wuxuu ka helay fursad aanu dayacin ee uu Qaranka uga faa’ideeyay, waxaanu madaxdii shirka joogtay u bandhigay Taariikhda iyo qadiyadda JSL, halka uu madaxda caalamka ee shirka ka maqnaana uu farriinta Somaliland u mariyey Waraysiyo uu siiyey Warbaahinta caalamiga ah.
Fursaddaa iyo farriinta uu uga faa’ideeyay Qaranku waxay sababtay in dawladda Xamar ka cadhooto, maaddaama oo ay ka xumaatay in farriinta Somaliland ku dhacdo dhegaha kuwa jaan-gooya siyaasadda dunida.
Waxa xigay Wada-hadallo ku saabsan baahida Maraykanku u qabo adeegsiga saldhigga Berbera iyo aqoonsiga JSL oo bishii March ee sanadkan u bilaabmay Xukuumadaha Hargeysa iyo Washington, kuwaasi oo natiijadooda la sugayo.
Xilligana sii wadidda wada-xaajoodyada Maraykanka waxa Washington u jooga wefti uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, kana mid yahay la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dibedda Maxamed Xaaji oo hore u ahaa safiirka Somaliland ee Taiwan.
Sidoo kale, sida Madaxweynuhu uu ku sheegay khudbaddii 18-ka May, waxay Xukuumaddu dalabaad aqoonsi u dirtay illa 193 dal.
HORUMARINTA QARANKA
Madaxweynaha oo kaashanaya Golaha Xukuumaddiisu wuxuu saxeexay heshiisyo Maalgelineed, kuwaas oo maaddaama oo ay badan yihiin aynu tusaale ugu soo qaadanayno kuwa lagu horumarinayo wax soo-saarka Beeraha.
Tusaale ahaan, Madaxweynuhu wuxuu saxeexay mashaariic ku kacaya in ka badan $ 122 Milyan oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha, kuwaasi oo kala ah $ 100 Milyan dollar oo shirkadda magaceedu yahay African Food Security (oo Maraykanka laga leeyahay) ku maalgelinayso beeraha iyo 22 Milyan oo Hay’adda Pharo ku malgelinayso Beeraha Somaliland, kuwaasi oo ay barbar socdaan maalgelinta Beeraha ee Baanka Adduunka iyo Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW.
Waxa kale jira heshiisyo muhiim ah oo dawladdu la gashay dawladaha Uk iyo Taiwan, kuwaasi khuseeya dhismaha waddooyinka iyo adeegyada caafimaadka oo hirgelintoodu bilow tahay.
Heshiisyada horumarineed iyo hawlaha Xukuumaddu kor ugu qaadayso adeegyada bulshadu intaas kuma koobna, waxaa’se aynu xusi karnaa dhismaha waddooyinka Ballligubadle, Baki-Boorama iyo kuwa kale ee ay ka mid tahay Jidka Lowyacaddo illaa Boorama..
AMNIGA QARANKA
Saddexda tallaabo ee ugu muhiimsan ee Xukuumaddu qabatay lixdaa bilood waxa ka mid ah:-
- Diwaangelinta Ciidamada (oo socota).
- Qarmaynta ciidamada Madaniga ah
- Mushahar kordhinta Ciidamada Qalabka-sida oo dhan in ka badan 50%.
Gobolka Sool iyo Qorshaha Xukuumadda
Shaqada kale ee shanqadh la’aanta ku socota waa arrinta gobolka Sool, taasi oo Xukuumaddu dedaal badan ka samaynayso soo furdaaminta maxaabiista Ciiidamada Qaranka ee Laascaanood ku xidhan iyo kala diridda kooxaha uu Firdhiye hor-joogaha u yahay.
Ma jirto xog la shaaciyey oo ku saabsan sida Xukuumaddu ku waajahayso xaaladda gobolka Sool, laakiin sida aan xogta ku hayo Xukuumadda waxa u qorshaysan inay dib calanka JSL uga taagto Laascaanood, iyada oo aan midh rasaas ahi QUSH ka odhanin gobolka Sool.
Xukuumaddu waxay dooratay in xallinta xaaladda Sool lagu eego talo aan qori caaradii ahayn, balse waan waan iyo sabaale salka loogu dhigo.