Guddoomiyaha Daad-madheedh oo ka Hadlay Hawl-gallo ay ku Baabiiyeen Dhul Beereedyo Sharci Darro ah

Guddoomiyaha Daad-madheedh oo ka Hadlay Hawl-gallo ay ku Baabiiyeen Dhul Beereedyo Sharci Darro ah

0
23

“Dhibaatada ugu wayn ee gobolka ka jirta ee aannu la dagaalanaa waa oodashada dhul-daaqsimeedka oo mararka qaar sabab u noqda isku dhac bulsho”

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh Cabdiraxmaan Muxumed Axmed ayaa sheegay in in guud ahaan gobolka ay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni buuxdsa, hawlaha shaqo ee dawladduna ay si wanaagssn uga socdaan. Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan muhiim ah oo uu la yeeshay guddoomiyaha gobolku dhammaan isu-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolka isla markaana ay ka wada hadleen dardar gelinta shaqada dawladda ee heer gobol.

Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay qabteen dhuxulaysato sharci darro ah oo deegaanka xaalufinayay, isla markaana ay hadda xidhanyihiin, una soo gudbinayaan hay’addaha sharciga. Waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatada ugu wayn ee ka jirta gobolka Daadmadheedh oo ah dhul daaqsimeedka miyiga ah oo la iska ooto, laguna sheegto beero, taas oo mararka qaar sababta isku dhaca bulshada dhexdeeda ah, waxaanu guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda oodashada dhul-daaqsimeedka oo uu caddeeyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh waxaa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kulan uu la yeeshay isu-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Daadmadheedh, ayaa ku jawaabay sidan:- “Kulanka aannu wada yeelanay dhammaan isu-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Daadmadheedh waxaa uu ka mid ahaa shirarka madaxda heer gobol iyo degmo ee aannu wada yeelano ee lagu dardar-gelinayo shaqada dawladda ee gobolka, waxaanan isla eegnaa mar kasta hawlaha qaranka ee gobolka iyo halka ay marayso iyo meelaha u baahan dardar gelinta, imikana waxaa loo diyaar garoobayaa Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dalka oo aannu isla eegnay u diyaar garawgiisa.

Waxaaa kale oo aannu ka wada hadlaynay dhammaan adeegyada arrimaha bulsahda iyo kor u qaadistooda iyo wixii dhiman sidii loogu gudbin lahaa wasaaradaha ay shaqadooda tahay.”

 

Guddoomiyaha gobolka oo la waydiiyay waxyaabaha ugu adag ee ay ka hawl-galaan ama caqabado ah ee ka jira gobolka ee ay ka hawl galaan, ayaa yidhi. “Gobolka dhibaatada ugu wayn ee ka jirtaa waxa weeyaan iska oodashada dhul daaqsimeedka ee lagu sheego beero, kuwaas oo sharci darro ah, isla markaana mararka qaar sababa isku dhaca beelaha oo dhimasho keeni kara, marka daaqsinka la kala ooto ee beero sharci darro ah laga samaysto, taasna aad ayaan uga hawl galnay oo waxaan ku qaadnay hawl-gallo waawayn, haddaanu nahay maamulka gobolka iyo ciidanka booliska, waxaannu baabiinay oo dhul daaqsimeedkoodii aannu ku soo celinay 182 beerood oo dharci darro ah. Waxaa kale oo deegaanka aannu kala dagaalanaa dhuxulaysiga oo ah sharci darro deegaanka nabaad guurinaya oo halis ku ah deegaanka, imikana waxaannu soo qabanay dhuxulaysato sharci darro ah oo hadda xidhan oo aannu sharciga hor keenayo.”

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh waxa uu farriin adag u diray dadka ku hawlan dhuxulaysiga sharci darrada ah iyo kuwa ku fooggan in ay dhul daaqsimeedka gobolka iska ootaan, waxaanu yidhi. “Mar labaad waxaan halkan diginin adag uga dirayaa dadka dhuxulaysatada ah ee dhirta jaraya ee deegaanka xaalufinaya, cid kasta oo lagu qabto tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa, waxa kale oo aan uga digayaa cid kasta oo oodata dhul daaqsimeedka bulshada ka dhexeeya in beer beenaadkana laga baabiinayo cidda falkaa ku kacdana sharciga la hor keenayo.”

Ugu dambayn waxa uu diginin kale u diray dadka ka ganacsada maandooriyeyaasha ee isku dayaya in ay soo geliyaan gobolka mukhaadaraad, waxaanu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ku hawllan arrimahaas, isaga oo ciidanka booliska gobolka ku ammaanay sida ay heeganka ugu yihiin la dagaalanka mukhaadaraadka iyo sugidda nabad gelyada gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker