Guddoomiyaha Awdal oo sheegay in ay Abaaro ka jiraan Degaanada Xeebaha Gobolka

Gudoomiyaha gobolka Awdal M uxumed Xasan Jaamac Xoday, oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu ka warbixiyey xaalada guud ee gobolka Awdal isagoo sheegay in xaalada nabad galyo ee guud ahaan gobolku tahay mid aad u wanaagsan, dabaal deggii xuska 18-ka may na ku dhacay nagalyo basle xeebaha gobolk Awdal ay ka jiraan “Abaar ayaa ka jirta degaanada xeebta gobolka Awdal, waxa aanu hadda wadnaa ka gobol ahaan sidii dadkaasi abaartu ku dhufatey wax loogu qabanlahaa haddii ILLAAHEY yidhaahdo.”Guddoomiyaha gobolka Awdal Xoday ayaa sidaas yidhi.

Geesta kale Guddoomiye Xoday ayaa soo dhaweeyey jid isku xidhidoona Somaliland iyo Jabooti oo dhawaan dhismihiisu bilkaabmi doono waxanu tilmaamay in jidkaasi yahay mid muhiimad wayn ugu fadhiya Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, waxana uu uga mahad celiyey madaxwaynaha Somaliland oo dhawaan sheegay wakhtiga uu sida rasmiga ahi u bilaabmayo dhismaha masharuuca wado laamay ah oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Jabuuti “Mashruuc Somaliland oo dhan muhiimad wayn ugu fadhiya weeyi gaar ahaan Gobolka Awdal, waana waxaan in badan sugaynay, madaxwaynaha qaranka na waan uga mahad-naqaynaa, bisha July bay bilaabmaysaa” ayuu yidhi Muxumd Xasan Jaamac Xoday.

Gudoomiyaha gobolka Awdal ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal eedayn ah oo hore uga soo yeedhay gudoomiyaha kooxda dayax baan kaasi oo ku aadanaa diidmada banidhig faneed ay kooxdu ku qaban lahayd magaalada Boorama oo loogu dabaal degayay xuskii 18-ka May, waxana uu gudoomiyuhu sheegay in aanay haba yaraatee jirin amar diidmo ah oo ka soo isaga, balse taasi badal keeda ay isku soo beegmeen safar uu madawayne ku xigeenku ku tagay Boorama iyo safarka ay kooxda Dayax band.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker