Golaha Guurtida JSL oo ka Dooday Horumarinta Dhaqaalaha Dalka
Fadhigii shaley ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay doodoodaasi kaga warameen ahmiyada horumarinta dhaqaaluhu u leeyahay Dalka, iyagoo Mudanayaashu dooddoodaasi faahfaahin kaga bixiyey siyaabaha kala duwan ee looga faa’iideysan karo kheyraadka dicin ee wadanka,gaar ahaanna Kalluunka, Bilicda iyo Macdanta ee Dalka.
Dhinaca kalena,Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay dooddoodaasi ku xuseen sidii kor u qaadis iyo horumarin loogu sameyn lahaa arrimaha dhaqaalaha ee dalka iyo sidii bulshadda Caalamka uga heli lahaa Maalgashi dibadeed
Geesta kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay sharaxaad kaga bixiyeen dooddoodaasi sidii loola dagaalami lahaa Saboolnimada iyo Musuqmaasuga, bulshadana lagu wecyi-galin lahaa in wax soo saarka Dalka gudihiisa xoogga saaraan ,si looga maarmo cuntooyinka Dalka dibadiisa inooga timaada.
Gaba-gabadiina guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Guddi hoosaadada kala duwan ee Golahaasi farey in ay isku soo urruriyaan dooddii Aajandaha Kal-fadhiga 87-aad, guddi kasta wixii ka khuseeya oo Gole weynaha u soo gudbiyaan Maalinta sabtida ah ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo.