CIMRI TAGEEY CEEB LAGUMA SAGOOTIYO. Qaaybti 2aad

Flimki Dhagax dhigii mashruuci Xunbo weyne.
Dhagax dhig indho sarcaada oo loogu magaca darey biyo balaadhinta hargeysa Ee Xunbo-weeyne oo sida wararku sheegayan lagu lunsade lacag dhan $153.5 million doolar oo loogu tabarucay ambaqaadka illaa dhamaystirka mashruuca biyo gelinta iyo ballaadhinta Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa dhawaan  xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday in uu fashilmay mashruucaasi oo soo socday tan iyo sannadkii 2011!.
Lacagihii ku baxay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa Ee sida la sheegey qaadhaan-bixiyaashu bixiyen :-
1- Dawladda imaaraadka carabta, waxay ku deeqday $30 Million
2- Midawga Yurub (EU) ayaa dawladda Somaliland ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo 4 Magaalo oo Caasimadu ku jirto.
3- Isla sannadkii 2011 Midowga Yurub (EU) waxay Somaliland ugu deeqday $64 Million oo loo qoondeeyay 9 Mashruuc oo ka ugu badan ahaa biyo-ballaadhinta Caasimadda oo dhan $8.5 Million dollar.
4- Qorshaha horumarinta Qaranka (SDF) waxa loo qoondeeyay 2012-2016 mashruuca biyo-ballaadhinta $28 Million oo dollar.
5- Dawladda Jarmalku waxa iyadana fidinta Biyaha Hargeysa ugu deeqday $23 Million oo dollar.
6- Shirkadda Coca-Colla ayaa iyaduna ugu deeqday $5 Million oo dollar biyo ballaadhinta Hargeysa.
7- Baanka Adduunku (WP) isna wuxuu ku deeqay lacag dhan $6 Million oo dollar.
8- Sanduuqa Horumarinta (SDF) ayaa haddana loogu soo shubay biyo fidinta Hargeysa lacag dhan $10.5 Million dollar.
9- Mar saddexaad waxa ay Midawga yurub (EU) ku yabooheen lacag dhan 15$ Million oo lagu dhamaystirayo mashruuca biyo gelinta Magaalada Hargeysa.
La  soco qaybaha danbe
Qalinki: Khadar Kaariye Cune

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker