“Bulshada Somaliland Waxa aan Leeyahay Cadawgeena ha u Noqonina Qalinkii uu Wax ku Qorayay” Xil Khadar Xuseen
Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ah gudoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka arrimaha dibada golaha guutida Somaliland ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee dadka ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland ay faafinayaan waxaanu yidhi
“bulshadeena waxaan odhanayaa, waxa la doonayaan in maalin uun fusad la inoo helo oo la inaga faa’iidaysto, caqabado badan ayaynu ka soo gudubnay, waxaanan leeyahay bulshada cadawgeena idinku ha u noqonina qalinkii uu wax ku qorayay.
Xildhibaanka oo ka hadlayay safarka madaxwaynaha Somaliland ee dalka Kiiniya ayaa tilmaamay in madaxwaynuhu ku baxay casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaasi,waxaanu intaasi ku daray in waraaqaha la baahinayo uu cadawga Somaliland dabada ka riixayo waxaanu yidhi
“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu casuumad rasmi ah ka helay madaxwaynaha dalka Kiiniya, markay diyaaradii la kacday waxaa soo baxday borbagaando ay reer Soomaaliya hawada marinayaan, madaxwaynihii oo hawada ku jira ayaa waraaqo la soo saaray, waxa la yidhi anagu maanaan casuumin, waxa la yidhi safaaradaadii ma furan kartid.
Safaaradu waxay ku taalaa caasimada Nayroobi, hawsheeda muddo badan baa la soo waday dawladda Kiiniya way ogayd, in markaa cadawgeena dadka guduhu ay maqlaan oo warkooda buun-buuniyaan oo sii wad wadaan waa wax aad looga xumaado”.
Dhinaca kale Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal ayaa bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyay inay sugaan warka farxadleh eek a soo baxay safarka madaxwaynaha wakhtiyada soo socda waxaanu yidhi
“Dadkeena waxaan leeyahay madaxwaynaheena Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, si wanaagsan oo karaamo leh baa loo soo dhaweeyay oo waad arkayseen, diyaarad gaar ah baa loo soo diray, imikana waxa uu bilaabayaa hawlihiisii halkaa uga socday, ka hordhici mayno oo sidaasi iyo sidaasi bay noqonaysaa odhan mayno, laakiin sidii loogu tallogalay bay hawluhu u socdaan, daqiiqadaha soo socdana waxaynu eegi doonaa wararka farxadleh eek a soo baxaya iyo cadawgeena oo ka nixi doona”.
Gebo’gabadii xildhibaan Khadar Xuseen Sahal ayaa xusay in dad badan oo ka soo horjeeda Somaliland ay ka dayayaan in ay ku carqaladeeyaan safarka madaxwaynaha, waxyaabaha meelahaa lagu baahinayo waxaanu yidhi
“Waxa la hubaa waxa weeye in aynu nahay Qaran Somaliland la yidhaa oo 1991-kii madax bannaanidooda la soo noqday, isku tashaday, doorashooyinkoodii, Dimuqraadiyadoodii iyo hawlahoodii wata, warqadahan la soo saarayo ee la soo qorayo, waxan u arkaa anigu mid lagu carqaladaynayo safarka madaxwaynaha”.