๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฑ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ฎ๐ ๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐ข๐ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐ง ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ฃ๐ข๐๐ค๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐๐ค๐ก
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay maanta Gobolka Saaxil ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habeyn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hayโadda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay muddaโdaas kooban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray jidkaas oo dib u dhis lagu sameeyeya iyo labaatan buundo oo la hagaajiyey,waxaanu sheegay inay sahli doonto isku socodka Gobollada dalka.