Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay kala soocayaan bulshada caasimadda
Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay in degmada Kaxda aysan kamid noqon degmooyinka laga codeeynayo, waxa uuna sheegay in shacabkeeda ay kamid yihiin canshuur bixiyaasha ugu badan ee dowladda lacag siiya.
“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Waxa uu sidoo kale uu Sheekh Shariif cambaareeyay in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in mar walba uu garab taaganyahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay.
Ugu dambeyn waxa uu Shariif sheegay inuu uga digayo guddiga doorashooyinka inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Shalay ayay ahayd markii qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Kaxda ay sheegeen in lagu wargeliyay inay hoos tagaan Degmo kale si ay halkaasi uga qaataan Kaarka Codbixinta, waxaana ay sheegeen in Degmada la geeyay Barakacayaal oo foomka laga buuxiyay sida dadka loo tuso in Degmada Kaxda ay ka socoto qaadashada Kaarka Cod bixinta, illaa iyo hadda Guddiga Doorashada ayaan si rasmi ah uga hadal walaaca iyo eedaha kasoo yeeray qaar kamid ah odayaasha Degmada ee ku saabsan in Degmada Kaxda shacabkeedi laga diiwaangelinayo degmada Dharkeenlay.