Somaliland Oo ku Dhawaaqday Joojinta Salaadaha Lagu Tukado Masaajidda.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 Toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda ku tukadaan.
Sidoo kale, goobaha waxbarashada ayaa xidhnaan doona afar toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii.
Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku joogga dalka ayaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 5 maalmood.
Somaliland ayaa xaqiijisay Kiisas cusub oo ku saabsan Corona Virus.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in ka dib markii Baadhiitaano lagu sameeyay dad horay looga shakiyay ka dibna Saddex ruux oo ka mid ah Dadkaasi laga helay Corona Virus.
Kiisaska guud ee laga helay Somaliland ayaa Noqonaya 5 ruux, waxaana horay Somaliland ay u sheegtay in labo kiis oo cusub laga helay CoronaVirus ah.