Weerar Saqdii Dhexe Ee Xalay Lagu Qaaday Xarunta Booliska Magaalada Laascaanood+Akhriso Faah-faahinta.
Laas-caanood-(OWN)-Dabley hubaysan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar loo adeegsade qoryaha boobayaasha, kuwa banbooyinka laga tuuro iyo Baasuuka ayaa weerar mudo socdey ku qaaday qaybta booliska magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.
Weerarkan oo sababay in ay koranto la’aan mudo noqoto magaaladu ayaa waxaan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee soo gaadhey dhica ciidanka Booliska, inkasta oo aan isku daynay inaan xog ka helo illaa hada ma suura gelin.
Dhinaca kale waxaa magaalada Boocame la sheegay in uu ku geeriyoodey sarkaalkii ciidamadaasi watey oo dagaalkaas xalay ka dhacay Laascaanood ku dhaawacmay, kaas oo lagu magcaabi jirey Farxaan Maxashwaan.
“Farxaan waa dhintay, dhaawac ayuuna u dhintay isagoo waajibaadkiisa gudanaya, hawsha uu hayeyna halkiisii ayay ka socon doontaa” Maxamed Cabdi ayaa sidaa yidhi isagoo waqtigaa ku jira hawshii aaska sarkaalkan oo ay qoys wadaagaan.
Weerarka xalay ka dhacay magaalada ayaa ah kii ugu adkaa ee mudooyi sanado ah dhaca iyadoo laysweydiinyo ciidanku halka ay soo mareen iyo noqoshadoodii halka ay mareen maadaama magaalada geeskasta ciidan ka xigo.
