Wiil Soomaali ah oo safar uu ku galay dalka Ingiriiska uu ka cadhaysiiyay kooxaha neceb soo-galootiga
Kooxaha ka tirsan midigta fog ee neceb soo-galootiga ayaa si weyn uga cadhooday wiil Soomaali ah oo baraha bulshada ku faafiyay safar tahriib ah oo uu ku galay dalka Ingiriiska.
Wiilkan oo barta uu TikTok ku leeyahay kusoo gala magaca Africa Poi, ayaa duubay safar socday in ka badan sannad, kaas oo ugu dambayn kusoo dhammaaday guul, isagoo muujiyay muuqaal uu kaga hadlayo inuu yimid dalka Ingiriiska isla markaana hotel la dejiyay.
Kooxaha xagjirka ah ee kasoo horjeeda soo-galootiga ayaa si kulul u faaqiday safarka wiilkan, iyaga oo ku doodaya in muuqaallada uu baahiyay ay dhiirrigelinayaan tahriibka, isla markaana ay la mid yihiin ficillada mukhalasiinta dadka tahriibiya.
Wiilkan oo si joogto ah u soo geli jiray TikTok intii uu safarka ku jiray ayaa yidhi: “Ramadaantii hore 5-teedii ayaan kasoo baxay Soomaaliya, gaar ahaan Boosaaso ayaan kasoo baxay.” Waxa uu sheegay in ay la kulmeen dhibaatooyin badan intii ay safarka ku jireen, oo xitaa wiil ay saaxiibbo dhow ahaayeen uu ku naf waayay safarka adag.
Waxa uu intaa ku daray in jidka intii ay ku jireen la dhacay, la jidh-dilay, isla markaana uu la kulmay dhakhaatiir badan oo dhammaantood u sheegay in aanu ka fursanayn qalliin: “Dhamaan dhakhaatiirta Yurub ee aan soo maray waxay igu yidhaahdeen qalliin ayaad u baahan tahay,” ayuu yidhi.
Waxaa jira Soomaali badan oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in wiilkan dib loo soo celiyo maadaama uu soo jiitay indhaha kooxaha xagjirka ah, hase yeeshee Cabdi Iftin oo ka faallooda arrimaha muhaajiriinta ayaa ku dooday in muuqaallada uu wiilkani baahiyay, kuwaas oo muujinaya safarkiisa adag, ay horseedi doonaan in sharci la siiyo.
“Silica iyo saxariirta uu soo maray kaliya ayaa ku filan in sharci la siiyo. Sarkaalka socdaalka ee Ingiriiska fadhiya intaas ayaa ku filan. Yarkaan dhibaatada uu la kulmay ee uu muuqaallada ku muujiyay ayaa ku filan,” ayuu yidhi Cabdi Iftin.
Africa Poi, kahor inta aanu gaadhin dalka Ingiriiska, waxa uu soo maray waddamada Itoobiya, Benin, Nayjer, Aljeeriya, Tunuusiya, Liibiya, Talyaaniga, switzerland, iyo Faransiiska, isaga oo ugu dambayn ka gudbay Gacanka Ingiriiska kuna gaadhay UK.
Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in ugu yaraan 80 qof oo tahriibayaal ahi ay ka gudbaan gacankan, isla markaana, 2 ayaa todobaadkan ku dhintay gacankan.