Turkiga oo ciidamo la dagaalama Al shabaab usoo diraya Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadaysa joogitaanka ciidankiisa ee Soomaaliya isagoo keenaya 500 oo askari oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada diyaaradaha duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ah dhulkii ay dhowaanahan Al shabaab kala wareegeen ciidamada Dowladda.

“Ciidamada Turkiga waxa ay u joogaan oo kaliya in ay ilaaliyaan hantida Turkiga iyo in ay tababaraan oo ay la taliyaan ciidamada Soomaaliya, kaliya waxa ay la dagaalami doonaan al-Shabaab haddii ay lagama maarmaan noqoto iyo in ay is difaacaan” sidaas waxaa Middle East Eye u sheegay mid ka mid ah ilo-wareedyo aan la magacaabin oo la socda hawlgallada Turkiga ee Soomaaliya.

Ciidamada cusub ayaa isugu jira 300 oo kumaandoos ah iyo 200 oo askari kuwaas oo kor u qaadi doona howlgallada ay Turkiga ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka argagixisada.

Howlgalka cusub ayaa waxaa ka mid ah adeegsiga diyaarad Drone ah oo lagu magacaabo Akinci oo lagu sameeyay dalka Turkiga, waana tan ka weyn uguna awoodda badan marka loo eego diyaaradaha Drones-ka ee Bayraktar ee caanka ka ah dalka Turkiga oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinci ayaa leh awoodaha wax-aragga habeenkii, waxayna shaqeyn karaan 24-saacadood, taasoo ka dhigaysa qalab wax ku ool ah oo habeenkii lagula dagaallamo Al-shabaab, sida ay sheegeen khubarada.

Hawlgalka Turkiga ayaa kor u qaadaya Qorshaha Horumarinta Amniga ee Soomaaliya, kaas oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga caawiyo ugu dambeyntii inay si buuxda u maamusho amnigeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker