Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo dhaliilay dalal ka horyimid weerarka uu Qasa ku qaaday
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah xulafadiisa ugu dhow in ay la safteen Xamaas kadib markii ay dhaliileen sida Israa’iil
Bayaan wadajir ah oo ay horaantii toddobaadkan soo saareen Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada ayaa lagu sheegay in howlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo Qasa ay yihiin kuwo aan miisaaneysnayn, ayna tahay wax laga xumaado oo aan la aqbali karin in shacabka rayidka ah laga hor istaago gargaar bini’aadantinimo oo muhiim ah.
Mr. Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha saddexdaas dal inay doonayaan in Xamaas ay sii haysato awoodda, wuxuuna sheegay in bayaankooda uu dhiirrigelin u noqday kooxdaas.
Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa wajahaya dhaleecayn isa soo taraysa gudaha dalka iyo dibaddaba, taasoo ku saabsan dagaalka ka socda Qasa iyo xayiraadda adag ee Israa’iil saartay gargaarka la geeyo dhulkaas.