Puntland oo ka guuraysa doorasho cod qarsoodi ah una guuraysa doorasho cod gacan taag ah
Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC oo haatan gabagabo marsiinaya dib u eegista xeerka maamulka dowladda hoose, ayaa taageeray in doorashooyinka soo socda lagu qabto cod gacan-taag ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashada, Axmed Maxamuud Cumar ayaa sheegay in qaabkan cusub uu ka hortagi doono lacagaha laaluushka ah ee lagu kala iibsado codadka, taasoo sare u qaadeysa daahfurnaanta iyo kalsoonida doorashooyinka.
Qaar kamid ah wasiirrada maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa si buuxda u taageeray qorshahan, iyagoo tilmaamay in ay ceeb tahay in xildhibaan ku yimid codka shacabka uu si qarsoodi ah wax ku doorto.
Waxay ku booriyeen guddiga doorashada in ay qodobkan cusub ku daraan habraaca rasmiga ah ee doorashooyinka mustaqbalka.
Dhanka kale, tirada xildhibaanada golayaasha deegaanka ayaa la yareeyay in ka badan kala bar, iyadoo hadda laga dhigay 15 xubnood degmada ugu sarreysa heerka horumarka, halka degmooyinka kale ay heli doonaan xubno ka yar tiradaas.