Madaxweynihi hore ee Congo oo xassaanadiisii lagu haysto
Senatarada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ansixiyay codsi ka yimid dowladda oo ah in laga qaado Joseph Kabila, madaxweynihii hore, xasaanadda baarlamaanka, isla markaana lagu soo oogo dacwad khiyaano qaran ah.
Dowladda ayaa ku eedeysay hoggaamiyihii hore inuu taageero siiyay fallaagada M23 ee ay Rwanda tagaeerto, kuwaas oo qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.
Kadib markii uu xilka ka dagay sanadkii 2019, Mr. Kabila waxaa loo magacaabay senatar sharafeed noloshiisa oo dhan, taasoo uu ku helay faa’iidooyin ay ka mid tahay xasaanad ka difaacaysa dacwad oogis.
Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in maxkamadeyntiisu ay sii wiiqi karto xasilloonida DRC, maadaama uu weli haysto taageerayaal.