Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadhimo sharafeed ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo weftigii uu hogaamiyey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jamhuriyadda Jabuuti.
Hadhimo-sharafeedkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jamhuriyadda Jabuuti, taasi oo ka turjumeysay qaddarinta iyo soo dhoweynta heer Qaran ee loo fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigiisa.