Iran iyo Mareykanka oo markii shanaad maanta ka wadahadlaya barnaamijka Nukliyeerka
Wareeggii shanaad ee wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka si ay heshiis uga gaaraan barnaamijka nukliyeerka Tehran ayaa lagu wadaa in uu ka bilowda magaalada Rome gelinka dambe jimcaha maanta ah. Wadahadalladani waxay socdeen tan iyo bishii Abriil, iyadoo dalka Gacanka ku yaalla ee Cumaan uu kaalin dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay.
Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran ay gabi ahaanba joojiso barnaamijkeeda uranium-ka si looga hortago in ay soo saarto hub nukliyeer ah – haddii kale, waxay wajihi kartaa tallaabo ciidan.
Tehran ayaa beenisay inay higsanayso in ay samaysato hub nukliyeer ah, waxayna sheegtay in dhammaan howlaha nukliyeerka ee ay waddo ay yihiin kuwo nabadeed.
Wafdiga Mareykanka waxaa markale hoggaaminaya ergayga Madaxweyne Trump, Steve Witkoff, halka wafdiga Iran uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abbas Araghchi.