Faahfaahin ka soo baxaysa weerar diyaarado Ukraine leedahay ay ku qaadeen Ruushka

Guddoomiyaha gobolka Lipetsk ee dalka Ruushka ayaa sheegay in weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ay leedahay ay gaysteen dhaawaca dad gaaraya siddeed qof.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qarax weyn, waxaana dadka deegaanka ee ku nool magaalada Yelets ay sheegeen inay arkeen diyaarado badan oo kusoo wajahan warshad soo saarta baytariyada.

Guddoomiyaha gobolka, Igor Artamonov, ayaa sheegay in labaatan guri oo dabaqyo ah ay burbureen, inkastoo aysan jirin qof si xun u dhaawacmay.

Horey ayuu Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, u sheegay in dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn la soo riday iyagoo kusoo dhowaaday caasimadda.

Dhinaca kale, dhowr gobol oo ka tirsan Ukraine ayaa lagu soo rogay digniin cirka ah oo ku saabsan diyaaradihii weerarka Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker