Xuutiyiinta Yeman oo gantaallo hor leh ku weeraray madaarka ugu weyn Israa’iil iyo goobo kale
Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa maanta weerar hor leh ku qaaday gudaha Israa’aal, iyaga oo gantaallo ku garaacay madaarka ugu weyn dalkaas ee Bin Goriyon. iyo magaalooyin kale
Sida uu sheegay afhayeenka ciidammada Xuutiga ee dalka Yemen, waxa weerarkan loo adeegsaday gantaallada nooca balaastikada ah ee lagu magacaabo “DU AL FIQAAR”.
Sidoo kale magaalooyinka kala ah Yava iyo Xayfa ee dalka Israa’iil ayuu sheegay inay ku weerareen labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaan “YAVA”.
Weeraradan Xuutiyiinta ayaa cabsi iyo argagax ku beeray shacabka Israa’iil.
Magaalooyinka waaweyn ee Israa’iil ayaa maanta laga maqlayay dhawaqa dhiilada leh ee qalabka difaaca hawada. Iyada oo Malaayiin shacab ahi ay gabood ka dhigtay dhulka hoostiisa.