Seynisyahannada oo soo jeediyay qaab cusub oo looga hor tegi karo cudurka Malaariyada

Dadaallada hadda socda ayaa ujeeddadoodu tahay in cayayaanka laga daweeyo infekshanka halkii laga daweyn lahaa cudurka.

Balse koox ka tirsan jaamacadda Harvard ayaa helay labo daawo oo cayayaanka ka dili kara malaariyada.

Duumada waxay ka mid tahay caabuqyda loo dhinto ee adduunka ka jira gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha halkaas oo boqolaal kun ay sanad kasta u dhintaan.

Shandarawada ama mara kaneecada ayaa kamid ah qaababka lagu guuleystay ee looga hortago malaariyada, maadaama ay kaneecadu badanaa habeenki soo badato.

Tallaalka duumada waxaa loogu talogalay in looga hortago kaneecada taas oo khatar ku ah nolosha, waxayna badbaadisaa carruurta ku nool goobaha ay kharata baโ€™an u uku hayo xanuunkan.

Kaddib cilmibaaris socotay sanado ayey hay’adda caafimaadka WHO ogolaatay tallaal la yiraahdo RTS in la siiyo carruurta ku nool gobolada ay ka jirto duumada. Taasina waxay noqotay guul laga gaaray ka hortagga duumada. Qaniinyada kaneecada ayuuna cudurka ku kala gudbaa.

Tijaabadan cusub Waxay qaadan doontaa ugu yaraan lix sano ka hor inta aan dhammaan daraasadaha la dhammaystirin si loo ogaado in habkani uu shaqayn doono iyo in kale.

Balse ujeedka daraasaddan ayaa ah in la helo maro kaneeco daweysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker