Netanyahu oo ka hadlay toogashada shaqaalaha ka tirsanaa safaaradda Israa’iil

Goor dhow waxaa la shaaciyay magacyada lammaanihii Israa’iiliyiinta ahaa ee lagu toogtay banaanka madxafka Israa’iil ee Washington, waxayna kala yihiin Yaron Lischinsky and Sarah Milgram..

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu “aad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ku saleysan”, waa sida uu hadalka u dhigayee, xili uu ka hadlayay dilka labada qof ee Israa’iiliyiinta ah loogu geystay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu dhanka kale farriin tacsi ah u diray qoyska dhibbanayaasha toogashada lagu dilay xili ay ka soo baxayeen madxafka Israa’iil oo ku yaala Washington.

“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Netanyahu.

Safiirka Israa’iil ee Mareykanka, leiter, ayaa sheegay in Donald Trump u uku wargeliyay in mamulkiisa ay sameyn doonaan wax kasta oo lagula dagaallamayo yahuud naceybka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker