𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 ( 𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨 ) 𝐨𝐨 𝐃𝐣𝐢𝐛𝐨𝐮𝐭𝐢 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐧𝐬𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚

𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku jooay dalka Djibouti ayaa waxa uu kulan quraac ah la yeeshay Safiirrada dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd is xog-warrysi guud oo la xidhiidha Xaaladda Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjirayaasha Waddamada Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska si gaar ah ugala hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:

Ka wada shaqaynta arrimaha Amniga Gobolka iyo xoojinta iskaashiga xasiloonida Geeska Afrika iyo xallinta khilaafaadka ka jira Gobolka, isaga oo sheegay in ay Somaliland door muhiim ah ku leedahay arrimaha Amniga iyo Xasiloonida Gobolka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saddexda Danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, iyo kobcinta mashaariicda kaabayaasha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waddammada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu Safiiro /Wakiilo ku leh Somaliland, isaga oo Dawladda Faransiiskana ku boorriyey in ay Somaliland ka furtaan Xafiis /Safaarad.

Ugu danbeyntii Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker