Puntland oo maxkamad soo taagtay rag loo haysto inay qaraxyo u gudbinayeen Daacish
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa lasoo taagay afar eedeysane oo lagu eedeeyay inay hubka iyo qaraxyada u kala gudbiyaan ururka argagixisada ah ee Daacish.
Eedeysanayaasha ayaa si gaar ah loogu haystaa inay Daacish u gudbinayeen walxo laga sameeyo qaraxyada iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo bishii August ee sannadkii hore hay’adaha amnigu ku qabteen Gaalkacyo.
Baaritaanno ay sameeyeen booliiska ayaa lagu ogaaday in walxahan qarxa iyo diyaaradaha drones-ka ah si qarsoodi ah loogusoo dhex qariyay sameecado kartoomo ku jiray.
Eedeysanayaasha oo ka tirsan shirkad safarada ka shaqeysa oo lagu magacaabo Safaari, ayaa sheegay in alaabtan loogasoo dhiibay magaalada Garowe, islamarkaasna aysan waxba ka ogayn waxyaabaha saarnaa oo ay sheegeen in loo waday magaalada Muqdisho.
Darawalka gaariga ayaa maxkamadda ka sheegay in mid ka mid ah sameecadaha uu dab ka kacay, taasoo sababtay in uu arko uuro iyo fuuqaq kasoo dhacay gudaha sameecadda. Wuxuu intaas ku daray in uu si degdeg ah ula xiriiray booliiska, isagoo ku wargeliyay dhacdada.
Wuxuu sheegay in alaabta loo waday magaalada Muqdisho, uuna iska lahaa nin ganacsade ah oo ku sugan suuqa bakaaraha ee Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanayaasha ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin ururka Daacish, isla markaana ay qeyb ka yihiin shabakad u gudbisa qaraxyada ururkaas.
Dhegaysiga dacwaddooda ayaa sii socon doona.