Maraykanka oo Soomaalia ka fuliyay weerarradii ugu xawaaraha sarreeyay oo uu ku beegsado ururka Daacish

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bilaabay weerarro cirka ah oo xawaare sarreeya oo uu ka geysanayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu doonayo in lagu horjoogsado ururka Daacish (ISIS) oo uu Maraykanku sheegay inay weli ku qulqulayaan gudaha dalka, sida ay caddeynayaan xogaha milatari.

Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay, oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman, ayaa qaaday weerarkii cirka ee ugu weynaa abid ee laga fuliyo markab dagaal intii lagu jiray howlgal dhowaan ka dhacay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Admiral James Kilby, taliyaha sare ee ciidamada badda Mareykanka.

Waxaa markabkaasi laga riday hub lagu qiyaasay 125,000 rodol oo ah madaafiic iyo qalab kale oo millatari, kuwaas oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Soomaaliya.

Admiral Kilby ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Xarunta Xiriirka Caalamiga ah ee Robert B. McKeon, taasoo diiradda saareysa istaraatiijiyadda milatari iyo hoggaaminta ciidamada.

AFRICOM ayaa ka fulisay 25 weerar oo cirka ah gudaha Soomaaliya, kuwaasoo inta badan lala beegsaday xubno ka tirsan ISIS, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday taliska.

Sida warbixintan lagu sheegay, garabka ISIS ee Soomaaliya ayaa si weyn u kobocday, iyadoo tirada dagaalamayaasha oo markii hore ahayd qiyaastii 500 sanad iyo badh kahor ay gaartay illaa 1,500, kuwaas oo ku dhowaad 60% ay yihiin ajaanib, sida uu u sheegay wargeyska Stars and Stripes.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker