Madaxweynaha Somaliland oo Safar ugu Baxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu baxay dalka Jabuuti, waxaana la filayaa inay magaalada Jabuuti shirar kula qaataan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxda sare ee dalkaasi.
Madmadaw badan ayaa soo galay xidhiidhka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Jabuuti sannadkii la soo dhaafay ee 2024, kadib heshiiskii MOU-ga ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la filayaa in arrintaasina qayb ka noqoto ajandaha ay ka wadahadli karaan Madaxweyne Cirro iyo dhigiisa dalka Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker