Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee ID4Africa 2025 ee Addis Ababa

 Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Komishaneer Xuseen Cabdi Cali (Badhaani), isla markaana ay wehelinayaan Kusimaha agaasimaha guud ee KDQ, Mudane Dr. Sakariye Badde, iyo agaasimaha diwaanka codbixiyeyaasha iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Cumar Taani, ayaa ka qaybgalay shirka Caalamiga ah ee ID4Africa 2025, kaas oo sanadkan lagu qabtay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Shirkan oo si rasmi ah uu u furay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxaa isugu yimi madax sare, khubaro, shirkado tiknoolajiyadeed, iyo hay’addo caalami ah oo ka kala socda dacallada dunida, kuwaas oo ka shaqeeya dhinacyada maamulka iyo kaydinta xogaha, diiwaangelinta dadweynaha, amniga dhijitaalka ah, iyo adeegyada casriga ah ee dowladda.
Ka qaybgalka Komishanka Doorashiiyinka Qaranka, ee shirkan muhiimka ah wuxuu ahaa mid xoojinaya kaalinta Somaliland, kaga jirto horumarinta nidaamyada casriga ah ee doorashooyinka, gaar ahaan adeegsiga teknoolajiyadda IRIS Biometric ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Shirkan waxa uu KDQ u noqday fursad ay kula kulmeen khubaro, hay’ado iyo shirkado caalami ah oo la shaqeeya dalal badan oo Afrikaan ah kuwaas oo wadaaga waayo-aragnimada iyo hirgelinta nidaamyada casriga ah ee doorashooyinka.
Intii uu socday shirku, waxa ay xubnaha KDQ yeesheen kulamo muhiim ah oo is-dhaafsi xogeed iyo waayo-aragnimo ah la yeeshay bahda teknoolajiyadda iyo maamulka diiwaangelinta ee Qaaradda Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah.
Waxa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta iskaashiga Afrika ee ku saleysan hal-abuurka iyo kalsoonida nidaamyada lagu diiwaangeliyo muwaadiniinta, kuwaas oo saldhig u ah doorashooyin hufan, daahfuran iyo xor ah.
Ka qaybgalka KDQ ee ID4Africa 2025 waxa uu mar kale muujinayaa sida ay Somaliland uga go’an tahay horumarinta doorashooyinka iyo hirgelinta habab casri ah oo lagu xaqiijinayo kalsoonida codbixiyaha iyo hay’adaha doorashooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker