Golaha Wasiirada Sacuudiga oo ansixiyay heshiis ay la galeen Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga ayaa ansixisay heshiis iskaashi oo dhex maray Qeybta amniga Madaxtooyada Boqortooyada Sacuudiga iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa la dagaalanka Argagixisada iyo maalgelintooda.

Tani waxay timid intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirada Sacuudiga, oo uu guddoominayay Boqor Salmaan Bin Cabdi casiis, oo ka dhacay Jeddah Talaadadii, May 20, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Kulanka ayaa laga jeediyay muhiimada uu heshiiskaan u leeyahay Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya, waxaana Golaha ay isla qireen in lagama maarmaan ay tahay in Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay xukuumadda Soomaaliya ay ansixisay heshiis dhinaca amaanka ah oo Wasaaradda Gaashaandhiga ay lasoo gashay dhigeedi Sacuudiga, waxaana heshiis yadaan ay muujinayaan in labada dal ay ka go’an tahay inay kawada shaqeeyaan ammaanka gobolka iyo la dagaalanka Argagexisada.

Khubarada Gobolka kusugan ayaa u arka heshiisyada amni ee labadaan dowladood tallaabo istiraatijiyad ah oo sare u qaadaysa awoodda labada dal ay wax uga qaban karaan arrimaha ammaanka, si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker