WHO oo iyana ka qaylo dhaamisya xaaladda Qasa

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in laba milyan oo carruur ah oo ku nool Qasa ay wajahayaan macaluul. Israa’iil waxay xannibtay sahaydii cuntada ee Qasa 11-kii toddobaad ee la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay wufuud ka kala socota caalamka, madaxa guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus,ayaa waxaa uu sheegay in diidmada Israa’iil ee cuntada gargaarka ah ee Qasa iyo amarrada dadka rayidka ah looga rarayo deegaannadooda, ay yihiin dhammaan tallaabooyin cuuryaaminaya nidaamka caafimaadka, oo markii horeba jahwareersanaa.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Israa’iil ay hadda ogolaatay gargaar kooban inuu Qaso galo kaas oo ay ku tilmaantay Qaramada Midoobey ku tilmaantay ” dhibic biyo ah oo bad weyn ku dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker