Shir u Qabsoomay Taliyayaasha Ciidamada Booliska , Milateriga JSL iyo Janaraalo uu hogaaminayay Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Milateriga Ethiopia

Shir muhiim ah oo ay ka soo qaybgaleen Taliyayaasha Ciidamada Booliska , Milateriga JSL iyo Janaraalo uu hogaaminayay Taliyaha Hawlgalinta Ciidamada Milateriga Ethiopia , Kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Commissionerka Ciidamada Booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida , Taliyaha iyo kuxigeenka Aagga Herergee ayaa lagu qabtay Magaalada Gabilay .

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada guud iyo xoojinta wada shaqaynta ciidamada labada dawladood si loo sugo xasilloonida gobolka. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga wadahadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Dacawalay iyo xaaladda nabadaynta ee halkaas ka socota.

Masuuliyiinta ka qaybgalay ayaa isla qaatay in la dardargeliyo wadashaqaynta labada dhinac iyo in si dhow looga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo nabadgelyada xuduuddaha labada dal.

Dhanka kale waxa shirka ka qayb galay Saraakiil sarsare oo ka kala socday Ciidamada kala duwan ee labada dal , Badhasaabka Gobolka Gabilay.

Ugu dambeyntii shirka ayaa kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker